Waxa la
yidhaahdaa 5-ta sanno ee soo socota mustaqbalkaagu sida uu u ekaan doono
ilaahay ka sokow waxa qaabeeya buugaagta aad akhrin doontid iyo dadka aad la
kulmi doontid.
Muhiimadda wax akhriska
Akhrisku wuxu
ka mid yahay hababka ugu wanaagsan ee uu qofku ugu diyaar garoobi karo mustaqbalkiisa,
waayo waxa inta badan hab fikirka qofka, adduun aragiisa iyo hab dhaqankiisa
saameeya waxa uu akhriyo. Odhaah caan ah ayaa tidhaa “akhristayaasha maantu waa
hoggaamiyaasha berri”, haddaba waxa jira faa’idooyin badan oo uu akhrisku
leeyahay waxaana ka mid ah:
1)
Wax akhrisku shakhsiyadda qofka ayuu
horumariyaa: qof kasti
nolosha heer ayuu ka joogaa aqoon ahaan, garaad ahaan iyo akhlaaq ahaanba,
akhrisku wuxu kuu sahlayaa dhammaan dhinacyada kala duwan ee shakhsiyaddaada ee
mid waliba heerka joogo in aad horumariso.
2)
Wax akhrisku qofka cimrigiisa ayuu
kordhiyaa: qofka wax
akhriya wuxu ka dhigan yahay sida qof kun sanno ka hor noolaa oo kale, waayo
qofku marka uu wax akhrinayo wuxu akhrinayaa taariikho dad kumannaan sanno ka
hor noolaa wuxuuna ka dhigan yahay sida qof xilligaas nool, wuxuuna qofku helayaa
aqoon iyo waayo-aragnimo ay sannado badani kaga bixi lahayd helisteedu.
3)
Wax akhrisku qofka wax qiimeyntiisa ayuu
qurxiyaa: qofku marka
uu wax qiimeynayo natiijada waxaa uu qiimeynayo ka soo baxaysi waxay ku xidhan
tahay hadba xogta iyo macluumaadka uu hayo, qofka mawduucyo kala duwan wax ka
akhriyi wuu ka aragti dheer yahay oo wuu ka qiimeyn wanaagsan yahay qofka aan
waxba akhrin ama qofka hal mawduuc uun akhriya.
4)
Wax akhrisku maskaxda qofka ayuu
caafimaad u leeyahay:
cilmi baadhisyo aad u badan ayaa sheegay in dadka wax akhriya marka ay
weynaadaan ayna ku soo degdegin xanuunnada maskaxda ku dhaca ee uu gabawgu
keeno, sidoo kale dadka wax akhriya xusuustoodu way ka badan tahay dadka aan
waxba akhrin.
5)
Wax akhrisku waa daaqad kaaga furan
maskixihii ugu cuddoona ee dunida soo maray: qofku marka uu buugaag qiimo badan akhrinayo waxay ka
dhigan tahay isaga oo ku dhex jira maskaxaha dadkii wax garadka ahaa ee
buugaagtaa qoray, wuxuu fursad u helayaa oo ay buugaagtaasi fursad u siinayaan
in uu nolosha ka arko daaqad aan ahayn tii uu markii hore ka arkayay, markaas
ayuu qoraayaasha buugaagta ka dhaxlayaa aqoontii iyo xikmaddii ay lahaayeen.
Sidee caado wax akhris loo samaystaa?
Saynisyahannadu
waxay sheegeen in ay maskaxdu mar kasta ku hawlan tahay sidii ay u kaydin
lahayd dedaalka iyo tamarta qofka, si ay haddaba u kaydiso tamarta wax kasta oo
uu qofku joogteeyo ee uu ku celceliyo waxay u samaysaa khaanad oo waxa ay ku
kaydisaa maskaxda qaybteeda dhexe si ayna mar danbe tamar ugu bixin oo ayna uga
fikirin, waxyaabaha aynu sida maalinlaha ah u samayno ee ay ka midka yihiin:
wax cunista, cabidda, hurdada, salaadda, socodka IWM maskaxdu kama fikirto,
waayo sababta ayna uga fikirin waa in ay waxyaabo caado ah innoo noqdeen oo ay
maskaxda khaanad ku leeyihiin, haddaba wax akhrisku waa mid ka mid ah
caadooyinka la abuurto kuwooda ugu cuddoon ee ugu culus, si aad caado wax
akhris u samaysatid waxa lagaaga baahan yahay in aad raacdid tabaha iyo
tilmaamaha hoos ku xusan:
Hadaf:
wax kasta oo muhiim u ah nolosha oo aynu doonayno in aynu gaadhno ama
hirgelinno wuxu innooga baahan yahay in aynu garanayno sababta aynu u doonayno,
waayo marka uu qofku garto ujeedka iyo sababta uu shay u rabo ayuu u dulqaadan
karaa caqabad kasta oo ka soo wajahda hirgelinta shayga, markaa is weydii oo waa
in ay kuu caddahay sababta aad wax u akhrinaysaa.
Bilow wanaagsan: buugaagtu
way kala heerar iyo mawduucyo sarreeyaan, markaa waa in aad ku bilowdaa buugaag
mawduuc fudud laga qoray oo ka hadlaya mawduuc aad xiisaynaso oo xajmi ahaan
yar, waxyaabaha qofka akhriska jeclaysiiya waxa ka mid ah in uu qofku buug
dhammeeyo, haddaba si ay kuugu fududaato in aad buug akhrintiisa dhammaayso oo
aad wax akhriskana jeclaatid waa in aad ku bilowdaa buugaag xajmi ahaan yar.
Ku xidhiidhi caado hore oo aad lahayd: wax akhrisku waa caado, haddaba si ay
kuugu fududaato in aad caado wax akhris abuurataa waa in aad ku xidhiidhiso
caado hore oo aad lahayd, macnaha: qofku inuu subixii hurdada ka soo tooso waa
caado, inuu salaadda subax tukado waa caado, inuu shaqo ama dugsi ka soo laabto
waa caado markaa caadooyinkaa aad hore u lahayd ku xidhiidhi caadadan cusub ee
wax akhriska, tusaale: subixii markaad tukatid wax akhris ku xigsii oo caadadan
hore ee salaaddu ha kuu noqoto wixii kicinayey ee ku xusuusinayay in aad wax
akhriso, muddo ilaa laba bilood ahna joogtee oo ha kala goyn.
Samayso dhiirigeliyeyaal dibadeed: qofku inuu garto hadafka uu wax u
akhrinayo waa dhiirrigeliye gudeed, haddaba qofku wuxuu u baahan yahay oo uuna
marna ka maarmayn dhiirrigeliyeyaal dibadeed, wuxuu qofku u baahan yahay in uu
samaysto asxaab wax akhrida si ay ugu fududaato isna in ay u abuuranto caado
wax akhris, sidoo kale dhiirrigeliyeyaal dibadeed waxa qofka u noqon kara inuu
booqdo goobaha buugaagta lagu soo bandhigo iyo goobaha lagu iibiyo.
Dulqaadka badi: naftu mar kasta waxay jeceshahay in ayna waxba qaban ama wax ay xasilooni ku dareemayso uun ay qabato, caadada wax akhriskuna ma aha shay ay sahlan tahay in la abuurtaa, markaa marar badan naftu iska caabbin ayay kaala hor iman oo waxad is arki adiga oo wax akhriska ku caajisaya, laakiin haka niyad jabin in aad sii joogtayso, mar kastana samirka badi oo nafta ku qasab in ayna is dhiibin.
Gunaanad
Ugu danbeyn, waxa hubaal ah in qof kasta oo maanta wax akhriska ku raaxaysta oo nafis ku dareemi uu soo maray maalmo uu wax akhrisku ku adkaa, balse joogtayn iyo Samir badan kadib uu maanta wax akhrisku caado u noqday, mar kastana maanka ku hay in dadka uu wax akhrisku caadada u yahay ay marar badan soo wajahdo in ay akhriska ka caajisaan, balse ma aha kuwo ay nafahoodu hoggaamiyaan ee iyaga ayaa nafahooda hoggaamiya kuna qasba in ay ku mashquusho shayga ay dani ugu jirto, markaa haddii aad mararka qaar is aragto adiga oo wax akhriska dhibsanaya ama ku caajisaya ha isku malayn qof ku fashilmay samaysashada caadada wax akhriska ee isku day in aad sii joogtayso.
W/Q: Amiin-Shalka Cabdiraxmaan
.jpg)
.jpg)
0 Comments