Waa maxay Calmaaniyaddu?

 


Muddooyinkii u danbeeyay waxaa bulshadeenna ka dhex aloosan muran iyo hadal hayn ay hadal hayaan eray ay badankoodu bawsadeen, balse ayna aqoon badan u lahayn kaas oo ah calmaaniyad, haddaba hore ayaa loo yidhi “alifkaad ka boodaa al-baqruu ku dhibaa” ee waxaa isweydiin mudan waa maxay calmaaniyaddu?

 

Qeexitaanka Calmaaniyadda

"Calmaaniyah" waa eray bixinta carabida ee la ga keenay erayga Yurubiyaanka ah ee secularism, macnihiisuna yahay “wax adduun” oo ka soo horjeeda “wax aakhiro”. Calmaaniyaddu waa aragti uu seeska iyo gundhiggeedu yahay diinta iyo dawladnimada oo la kala saaro, waa aragti jidaynasa in kooxaha diintu aanay soo faragelin arrimaha dawladda, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada sidaas si lamid ah dawladduna aanay faragelin arrimaha diinta.

 

Sidee ayay aragtida Calmaaniyaddu ku timid?

Tiirarka xadaaradda iyo horumarka reer galbeedku waxay ku taagan yihiin oo sees u ah diinta Masiixiga, haddaba sida taariikhda ku dhigan ee la ogyahay, qarniyo badan qaaradda Yurub waxaa saarnayd heeryada dullaysiga iyo dulmiga badan ee kaniisadda oo ay gadhwadeenno ka ahaayeen baadderiyadu, kuwaas oo si adag ugu xidhnaa xidhiidh qotodheerina kala dhexeeyay boqortooyada iyo hantiilayaasha. Aqoonta iyo dhaqanka, fanka iyo halabuurka, siyaasadda iyo dhaqaalaha, iyo guud ahaan dhinacyada nolosha bulshada waxaa gacan bir ah iyo dhiigmiirasho ku haystay baadderiyada, iyaga oo ay baadderiyadu mufakir kasta oo keena aragti ka duwan tii kaniisaddu qabtay saari jiray fadwo gaalaysiin ah oo lagu bannaysanayo dhiiggiisa si loo dilo ama si kale loogu dibindaabyeeyo, waayo waxaa la qabay in cilmigu ku dhan yahay Baybalka oo wixii kale ee soo hadhaa ay khuraafaad iyo baaddil yihiin. Tusaale ahaan nimankii ugu horreeyay ee cilmi ahaan sheegay in aan dhulkeennu ahayn badhtanka koonka, ee uu yahay meere yar oo cadceedda ku wareega, waxaa la baday silic iyo saxariir. Xukunka boqorka isagana waa la diimeeyay oo waxaa laga dhigay waxyi Alle dadka u dooray oo aan laga hor iman karin. Maskaxda dadka waxaa loo oggolaa oo keliya in ay fekerto, oo qorto keliya inta ay baadderiyadu oggol yihiin ee waafaqaysa Baybalka.

Waxaa muddo aad u dheer isa soo taraysay aqoonta reer Yurub, sidoo kale waxaa hoosta ka soo hurayay nacayb iyo colaad ay dadka reer galbeed u qaadeen diinta masiixiga, ugu danbeyn waxaa bilaabmay kacdoonno fikir oo ay hoggaaminayeen wax garad iyo aqoon yahanno, kuwaas oo dadka ugu baaqayay in laga xoroobo heeryada dullaystaha isku bahaystay ee iskugu jira kaniisadda, boqorrada iyo calooshood u shaqaystayaasha maalqabeennada ah. Waxaa baadderiyadii iyo dadkii ka dhex qarxay dagaal iyo colaado lagu hoobtay oo ay nafo badani ku le’deen, waxaana ugu mudnaa kacaankii Faransiiska ka dhacay qarnigii 18-aad.

Ugu danbeyn, loollan iyo dagaallo muddo dheer socday kadib badhtamihii qarnigii 18-aad waxaa guuleystay oo gacan sarreeyay fikraddii aqoon yahannada, waxaana la isku afgartay in la kala saaro maamulka iyo diinta, oo ay kaniisaddu ku ekaato arrimaha diinta oo keliya, maamulkana ay daadihiyaan aqoon yahannada loo igmado. Heshiiskaas kadib waxaa hanaqaaday nidaamka calmaaniyadda ee loo yaqaan “secularism”, nidaamkaas oo ku dhisan in qof kasti u fakaro si xora oo bilaa xakame ah, naftana laga haqabtiro wax kasta oo ay jamato.


Gunaanad

Guntiyo gunaanadka, dhammaadkii qarnigii 19-aad ayay aad u xoogaysatay kalsoonida dadka reer galbeed ku qabaan caqliga, cilmiga iyo xorriyadda fikirka, xilligaas oo ay dadka reer galbeed si buuxda uga xadhko furteen dabarrada diinta, waxaana horraantii qarnigii dhowaa ee 20-aad si aad ah u faaftay aragtida calmaaniyadda oo gaadhay waddamo badan oo muslimiin ah.

Post a Comment

0 Comments