Dunida cilmiga
Dunida cilmigu waa mareeg aan si lacag la'aan ah ugu soo gudbinno qormooyin ku saabsan: taariikhda, aragtiyaha, tabaha guusha iyo horumarinta nafta, sidoo kale waxad mareegtan ka heli kartaa soo koobida buugaagta ugu waxtarka badan, qormooyinka aan bartan soo gelinnaa waa kuwo tayaysan oo tifaftiran kuwaas oo la isku halayn karo.
Waa maxay ujeedkayagu?
Mareegtan waxan aasaasnay bishii Jeeniweri 2023, hadafka iyo ujeedka ugu weyn ee aan ka leenahayna waa in ay bulshada soomaaliyeed u noqoto goob ay ku soo hirtaan oo ay ka heli karaan aqoon guud iyo cilmi-baadhisyo ay raadinteeda iyo helisteeda wakhti badani kaga bixi lahayd.
Waxan aad ugu heellannahay mar kasta in aan idinka jaahil saarno weydiimaha maankiinna ka dhex guuxaya, inta aad mareegtan ku xidhan tahayna waxan hubnaa in aad maan ahaan kori doontid, "Caqli gacalkii toosaa fakara nolosha toolmoon".
Fadlan wixii talo iyo toosina ee aad noo haysid nagula soo wadaag ciwaanadayada baraha bulshada ee hoos ku xardhan.
