Aasaasihii cilmiga bulshada ee Ibnu Khalduun ayaa laga hayaa in uu yidhi falsafadda qofka in yar ka barta waxay u horseedaa ilxaad iyo gaalnimo, qofka in badan ka bartana waxay u horseedaa iimaan iyo anshax wanaag, haddaba waa maxay falsafaddu?


Macnaha erayga Falsafad

Ugu horreyn si aynnu iskula fahanno aynu ka bilowno xididka ama meesha uu ka soo jeedo erayga "Falsafad", luuqad ahaan erayga falsafad asalkiisu waxa uu kasoo jeedaa afka Giriigga, waxana uu ka yimid labada eray ee isku dhafan ee kala ah: "Philo (jacayl)" iyo "Sophia (xikmad)" oo marka la isku geeyo noqonaya "Philosophia (xikmad jacayl/murti jacayl)", waxa xusid mudan in eraygani uuna iska dhalan rogin qaab dhawaaqa luuqadda rasmiga ah ee uu ka soo jeedo, balse luuqad kasti waxay u qortaa qaabka higgaaddeeda, sidaa darteed af soomaali ahaan waxa loo qoraa “falsafad”.

Erayga falsafad markii ugu horreysay waxa adeegsaday faylasuufkii u dhashay dalka Giriigga ahaana xisaab yahanka ee magaciisa la odhan jiray Bitagooras (Pythogoras), Wuxuu noolaa qarnigii lixaad gaar ahaan intii u dhexaysay (570 ilaa 490 c.h), waa muddo qiyaastii hadda laga joogo 2,500 oo sanno kahor. Bitagooras ma ahan faylasuufkii ugu horreeyay ee Giriiggii hore, balse waa faylasuufkii u horreeyay ee adeegsaday erayga falsafad.

 

Qeexitaanka Falsafadda

Falsafaddu waa in si qoto dheer oo aan dulka xaadis ahayn wax la isku weydiiyo, falsafaddu waa in wax la isku weydiiyo si ka xeel dheer sida doqoni garatayda, falsafaddu waa in wax la iska weydiiyo wax kasta oo jira dhabnimada jiraalkiisa iyo sababta jiritaankiisa, falsafaddu kuma qanacdo shay ayna su'aal iska weydiin, mana aqbasho waxa ay dadka caadiga ahi iska aqbalaan ilaa ay gorfayso oo ay dacal kasta ka hubiso maahine. Haddii aynu si kale u qeexno falsafaddu waa maaddo tacliimeed ku shaqaysa caqliga, waa maaddo isku dayda in la fahmo xaqiiqada oo looga jawaabo su'aalaha gundhigga ah ee ku saabsan: aqoonta, nolosha, akhlaaqda, wanaagga iyo dabeecadda.

 

Taariikhda Falsafadda

Asal ahaan falsafaddu waxay ka soo farcantay oo seeska iyo bilawgeeda lahaa Giriiggii hore, waxana ay soo martay marxalado iyo xilliyo kala duwan, xilliyadaa ay falsafaddu soo martay waxa ka mid ah: xilligii dahabiga ahaa ee falsafadda oo bilaabmay qarnigii lixaad (c.h). Xilligii dhexe ee falsafadda oo jiray intii u dhexaysay qarnigii 5-aad ilaa kii 16-aad (c.d), iyo falsafadda casriga ah oo jirtay intii u dhexaysay qarnigii 17-aad ilaa kii 20-aad (c.d).

Haddaba falsafaddu waxay u qaybsantaa oo ay waydiimaheedu hoos yimaadaan shan khaanadood oo waawayn, shantaas khaanadood ayay su'aal kasta oo falsafad ahi hoos timaaddaa, waxayna kala yihiin sidatan:

1. Meetafiisikis (waa in wax la iska weydiiyo jiraalka iyo ahaanshaha)

2. Ibistimoolaji (waa in wax la iska weydiiyo aqoonta ama ogaalka)

3. Mooraal (waa in wax la iska weydiiyo anshax ama akhlaaqda)

4. Loojig (waa in wax la iska weydiiyo maxaa caqligal/maangal ah)       

5. Asteetigis (waa in wax la iska weydiiyo muuqa /quruxda).

 


Gunaanad

Ugu danbeyn, haddii aynnu isku soo ururinno waydiinta cinwaanka ah ee: Waa maxay falsafaddu? Ma ahan waydiin fudud oo si fudud looga warcelin karo, balse waa weydiin mug iyo miisan leh oo u baahan in si qoto dheer loogu kuurgalo. Ujeedka iyo sababta qoraalkeennuna waa in uu ibbo-fur iyo iftiimin innoo noqdo.