Aasaasihii cilmiga bulshada ee Ibnu Khalduun ayaa laga hayaa in uu yidhi falsafadda qofka in yar ka barta waxay u horseedaa ilxaad iyo gaalnimo, qofka in badan ka bartana waxay u horseedaa iimaan iyo anshax wanaag, haddaba waa maxay falsafaddu?
Macnaha erayga Falsafad
Ugu horreyn si
aynnu iskula fahanno aynu ka bilowno xididka ama meesha uu ka soo jeedo erayga
"Falsafad", luuqad ahaan erayga falsafad asalkiisu waxa uu kasoo
jeedaa afka Giriigga, waxana uu ka yimid labada eray ee isku dhafan ee kala ah:
"Philo (jacayl)" iyo "Sophia (xikmad)" oo marka la isku geeyo
noqonaya "Philosophia (xikmad jacayl/murti jacayl)", waxa xusid mudan
in eraygani uuna iska dhalan rogin qaab dhawaaqa luuqadda rasmiga ah ee uu ka
soo jeedo, balse luuqad kasti waxay u qortaa qaabka higgaaddeeda, sidaa darteed
af soomaali ahaan waxa loo qoraa “falsafad”.
Erayga falsafad
markii ugu horreysay waxa adeegsaday faylasuufkii u dhashay dalka Giriigga
ahaana xisaab yahanka ee magaciisa la odhan jiray Bitagooras (Pythogoras),
Wuxuu noolaa qarnigii lixaad gaar ahaan intii u dhexaysay (570 ilaa 490 c.h),
waa muddo qiyaastii hadda laga joogo 2,500 oo sanno kahor. Bitagooras ma ahan
faylasuufkii ugu horreeyay ee Giriiggii hore, balse waa faylasuufkii u
horreeyay ee adeegsaday erayga falsafad.
Qeexitaanka Falsafadda
Falsafaddu waa
in si qoto dheer oo aan dulka xaadis ahayn wax la isku weydiiyo, falsafaddu
waa in wax la isku weydiiyo si ka xeel dheer sida doqoni garatayda, falsafaddu
waa in wax la iska weydiiyo wax kasta oo jira dhabnimada jiraalkiisa iyo
sababta jiritaankiisa, falsafaddu kuma qanacdo shay ayna su'aal iska weydiin, mana
aqbasho waxa ay dadka caadiga ahi iska aqbalaan ilaa ay gorfayso oo ay dacal
kasta ka hubiso maahine. Haddii aynu si kale u qeexno falsafaddu waa maaddo
tacliimeed ku shaqaysa caqliga, waa maaddo isku dayda in la fahmo xaqiiqada oo
looga jawaabo su'aalaha gundhigga ah ee ku saabsan: aqoonta, nolosha,
akhlaaqda, wanaagga iyo dabeecadda.
Taariikhda Falsafadda
Asal ahaan
falsafaddu waxay ka soo farcantay oo seeska iyo bilawgeeda lahaa Giriiggii
hore, waxana ay soo martay marxalado iyo xilliyo kala duwan, xilliyadaa ay
falsafaddu soo martay waxa ka mid ah: xilligii dahabiga ahaa ee falsafadda oo
bilaabmay qarnigii lixaad (c.h). Xilligii dhexe ee falsafadda oo jiray intii u
dhexaysay qarnigii 5-aad ilaa kii 16-aad (c.d), iyo falsafadda casriga ah oo
jirtay intii u dhexaysay qarnigii 17-aad ilaa kii 20-aad (c.d).
Haddaba
falsafaddu waxay u qaybsantaa oo ay waydiimaheedu hoos yimaadaan shan
khaanadood oo waawayn, shantaas khaanadood ayay su'aal kasta oo falsafad ahi hoos
timaaddaa, waxayna kala yihiin sidatan:
1. Meetafiisikis
(waa in wax la iska weydiiyo jiraalka iyo ahaanshaha)
2.
Ibistimoolaji (waa in wax la iska weydiiyo aqoonta ama ogaalka)
3. Mooraal
(waa in wax la iska weydiiyo anshax ama akhlaaqda)
4.
Loojig (waa in wax la iska weydiiyo maxaa caqligal/maangal ah)
5. Asteetigis
(waa in wax la iska weydiiyo muuqa /quruxda).
Gunaanad
Ugu danbeyn,
haddii aynnu isku soo ururinno waydiinta cinwaanka ah ee: Waa maxay
falsafaddu? Ma ahan waydiin fudud oo si fudud looga warcelin karo, balse waa weydiin
mug iyo miisan leh oo u baahan in si qoto dheer loogu kuurgalo. Ujeedka iyo
sababta qoraalkeennuna waa in uu ibbo-fur iyo iftiimin innoo noqdo.


0 Comments