Waxa sannadihii
u danbeeyay adduunka daafihiisa si dardar leh ugu faafaysay aragtida
dumarnimada u olaleysa ee loo yaqaan “Feminism”, haddaba waxa isweydiin mudan
waa maxay aragtidani, se sidee ayay ku timid? Halkee ayay se ka timid?
Hore ayay soomaali ugu maahmaahday “hubsiino hal baa la siistaa”, ee qormadeenan kooban ayaa weydiimahaas iyo kuwo kaleba innooga warcelinaysa.
Macnaha erayga feminism
Erayga feminism
oo macnihiisu yahay dumarnimo waxa markii ugu horreysay curiyey faylasuuf
Faransiis ahaa oo magiciisa la odhan jiray Jaarlis Fooriyer (Charles Fourier)
hilaadii qarnigii 19-aad ee sannadii 1837-kii.
Qeexitaanka Feminism-ka
Aragtida feminism-ku
waa dhaqdhaqaaq u olaleeya sinnaanta jinsiga, gaar ahaan waa aragti seeska iyo gundhigeedu
yahay taageerida xuquuqda haweenka iyo dardargelinta awoodaha dhediga.
Sidee ayay aragtida Feminism-ku ku timid?
Sida taariikhda
lagu hayo jinsiga dhedigu wuxuu soo maray xilliyo adag oo si joogto ah loogu
geysan jiray tacadiyo iyo gabbood-fallo, waxa qarniyo badan ummadaha qaar caado
u ahayd in haweenku marka ay dhashaan la aaso, iyaga oo laga aaminsanaa in ay
ceeb iyo wax la iska fogeeyo yihiin, muddo dheer kadib xaaladdu way is
beddeshay oo haweenkii aan nolosha adduunyo loo quudhi jirin waxa loo
oggolaaday in ay noolaadaan, balse ayna wax talo iyo tilmaan ah ku yeelan nolosha.
Inta badan taariikhda reer galbeedka iyo badi caalamka intiisa kaleba ka hor
intii ayna aragtida dumarnimada (feminism) u olalaysi ka hanaqaadin haweenku
waxay ku koobnaayeen guryahooda, oo waxa loo diidi jiray in ay hanti yeeshaan,
in ay wax bartaan ama in ay ka qayb qaataan nolosha guud, halka nolosha
qaybaheeda kale ay ragga u gaar ahayd.
In kasta oo
qoraayad dalka Ingiriiska u dhalatay oo magaceeda la odhan jiray Meeri
Woolistonkaraft (Mary Wollstonecraft) ay
wax ka qortay xuquuqda haweenka sannadii 1796-kii loona tixgeliyo in ay ahayd qofkii
ugu horreeyay ee dumarnimada u olaleeya, haddana waxa xusid mudan in markii ugu
horreysay aragtida u olalaysa dumarnimadu ay si dardar leh u bilaabantay
dabayaaqadii qarnigii 19-aad iyo horraantii qarnigii 20-aad, hadafka iyo
ujeedka ugu weyn ee aragtidani waxay ahayd sidii ay haweenku u heli lahaayeen
fursadaha nolosha ee u af duuban labka oo keliya.
Gunaanad
Ugu danbeyn,
waxa xaqiiqo biyo kama dhibcaana ah in ka bulsho soomaaliyeed ahaan ay jiraan
haween u olaleeya xuquuqda dumarka, iyaga oo aaminsan in ay xuquuq ka maqani
jirto, dumarka xuquuqda haweenka u olaleeya ayaa inta badan dhediga ku dhiirrigeliya
in ay wax bartaan, shaqaystaan oo ay bulshada wax ku soo kordhiyaan kana qayb
qaataan horumarka dalkooda,dadkooda iyo diintooda, balse haweenkaas dumarnimada
(feminism) u olaleeya ayaa waxay naqdin iyo hirdan afkaareed kala kulmaan ragga
soomaaliyeed ee iskugu jira culimo, aqoonyahan iyo caamaba. Iyaga oo mararka
qaar wadaaddadu aad uga hadla oo arrin gaalnimo ah ku tilmaama. Waxa se isweydiin
mudan ragga doorkoodii gabay ee xaqii ay qoysaskoodu ku lahaayeen gudan waayey maxay
culimadu uga hadli wayday? Maxay se wadaaddadu u diidan yihiin in ay haweenku
dhexda u guntadaan wixii ay raggu dayaceen? Se haweenku miyayna nolosha door
guryaha dhaafsiisan ku yeelan Karin?
W/Q: Amiin-Shalka Cabdiraxmaan

.jpg)
0 Comments