Waxa hubaal ah in aad ugu yaraan mar uun maqashay erayga dimuqraadiyad, waxa se xaqiiq marag ma doonto ah in ayna dimuqraadiyadu ahayn sida ay badi bulshadeennu u malayso iyo waxa ay ka aaminsan tahayba, haddaba waa maxay dimuqraadiyad?
Macnaha erayga dimuqraadiyad
"Democracy"
waa eray asal ahaan ka soo jeeda afkii hore ee Giriigga, wuxuuna ka kooban
yahay laba eray oo isu tagay, kuwaas oo kala ah; "demos" oo ah shacab
ama dad iyo "kratos" oo ah amar ama xukun, oo markaa macnaheedu
noqonayo “amarka shacabka ayaa leh”, macnaha shacabka ayaa leh awoodda iyo
amarka oo wixii ay jantaan ee ay doortaan ayaa sharci iyo lama dhaafaan ah
waxaasi jaadka uu doono ha ahaado’e.
Qeexitaanka Dimuqraadiyada
Dimuqraadiyadu
waa fikradda ah in muwaadiniinta waddanku ay kaalin firfircoon ka qaataan talada
dalkooda oo ay si toos ah ama wakiillo la soo doortay u maamulaan. Intaa waxaa
dheer, waxay taageersan tahay fikradda ah in shacabku ay ku beddeli karaan
dawladdooda si nabad ah iyagoo xukunka ku wareejinaya cidda ay la jeclaadaan,
halkii ay ka abaabuli lahaayeen qalalaase iyo kacdoon rabshado wata. Haddaba waxa
jira weji kale oo ay dimuqraadiyadu leedahay, balse aan inta badan la dhaadin, dimuqraadiyadu
waa manhaj iyo qaab loo noolaado (way of life) oo waa ay ka gudo ballaadhan
tahay in masuuliyiinta dawladda uun la doorto. Waa nidaam leh xeerar iyo
qawaaniin u gaar ah oo la raaco, waa nidaam seeska iyo gundhiggiisu yahay
xorriyadda shakhsiga, waa nidaam aan kala xigtaysan oo aan u kala hiilin
xumaanta iyo wanaagga, balse meel mariya midkooda cod dheer ee cudud badan, waa
nidaam ay xaqa iyo baadilku u siman yihiin, balse mar kasta aqbala midkooda ay
doonista shacabku u badato, isku soo wada duuboo waa aragti iyo nidaam ay gadhwadeen
ka yihiin oo ay hoggaanka u hayaan shacabku.
Taariikhda dimuqraadiyada
Aragtida
dimuqraadiyada inta la ogyahay waxa markii ugu horreysay adeegsaday Giriiggii
hore, waxayna horumartay qarnigii 5-aad (c.h). Waxa xusid mudan in aragtidii
iyo fikirkii dimuqraadiyada ee Giriiggu ay ka duwanayd dimuqraadiyadan casriga
ah ee manta jirta, dimuqraadiyadii Giriiggii hore waxay dhammaan muwaadiniinta
qaan-gaadhka ah ku waajibinaysay in ay si firfircoon uga qayb qaataan arrimaha dawladda
marka laga reebo dumarka, carruurta iyo addoomada oo ayna muwaadiniin u
aqoonsanay in ay codeeyaan oo ay wax doortaanna ayna u oggolayn, balse dimuqraadiyadan
casriga ahi waxay dhammaan muwaadiniinta qaan-gaadhka ah rag iyo dumarba si
siman ugu oggoshahay in ay iyagu u codeeyaan oo ay doortaan masuuliyiinta
dawladda ee matali lahaa.
Gunaanad
Ugu danbeyn, waxay
ahayd ka bulsho soomaaliyeed ahaan in aragtidan dhawaan dhaladka innagu ah in
badan laga doodo oo wax la iska weydiiyo, Waxay ahayd in waxyeelladeeda iyo
waxtarkeeda midka badan la daraaseeyo. Miyaanay ahayn inaan is weydiino maxaa
innooga cuntami kara? Maxaan uga baahanahay? Maxay se asal ahaanteeda tahay? Mase
u baahanahay? Balse nasiib darro iyo nasiib wanaag mid ay tahayba ma dhicin in
wax la iska weydiiyo oo la gorfeeyo.
%20(1).jpg)

1 Comments
Waa qoraal wax tar leh ee mahadsanidin.
ReplyDelete