Waxa hubaal ah in aad ugu yaraan mar uun maqashay erayga dimuqraadiyad, waxa se xaqiiq marag ma doonto ah in ayna dimuqraadiyadu ahayn sida ay badi bulshadeennu u malayso iyo waxa ay ka aaminsan tahayba, haddaba waa maxay dimuqraadiyad?


Macnaha erayga dimuqraadiyad

"Democracy" waa eray asal ahaan ka soo jeeda afkii hore ee Giriigga, wuxuuna ka kooban yahay laba eray oo isu tagay, kuwaas oo kala ah; "demos" oo ah shacab ama dad iyo "kratos" oo ah amar ama xukun, oo markaa macnaheedu noqonayo “amarka shacabka ayaa leh”, macnaha shacabka ayaa leh awoodda iyo amarka oo wixii ay jantaan ee ay doortaan ayaa sharci iyo lama dhaafaan ah waxaasi jaadka uu doono ha ahaado’e.

 

Qeexitaanka Dimuqraadiyada

Dimuqraadiyadu waa fikradda ah in muwaadiniinta waddanku ay kaalin firfircoon ka qaataan talada dalkooda oo ay si toos ah ama wakiillo la soo doortay u maamulaan. Intaa waxaa dheer, waxay taageersan tahay fikradda ah in shacabku ay ku beddeli karaan dawladdooda si nabad ah iyagoo xukunka ku wareejinaya cidda ay la jeclaadaan, halkii ay ka abaabuli lahaayeen qalalaase iyo kacdoon rabshado wata. Haddaba waxa jira weji kale oo ay dimuqraadiyadu leedahay, balse aan inta badan la dhaadin, dimuqraadiyadu waa manhaj iyo qaab loo noolaado (way of life) oo waa ay ka gudo ballaadhan tahay in masuuliyiinta dawladda uun la doorto. Waa nidaam leh xeerar iyo qawaaniin u gaar ah oo la raaco, waa nidaam seeska iyo gundhiggiisu yahay xorriyadda shakhsiga, waa nidaam aan kala xigtaysan oo aan u kala hiilin xumaanta iyo wanaagga, balse meel mariya midkooda cod dheer ee cudud badan, waa nidaam ay xaqa iyo baadilku u siman yihiin, balse mar kasta aqbala midkooda ay doonista shacabku u badato, isku soo wada duuboo waa aragti iyo nidaam ay gadhwadeen ka yihiin oo ay hoggaanka u hayaan shacabku.

 


Taariikhda dimuqraadiyada

Aragtida dimuqraadiyada inta la ogyahay waxa markii ugu horreysay adeegsaday Giriiggii hore, waxayna horumartay qarnigii 5-aad (c.h). Waxa xusid mudan in aragtidii iyo fikirkii dimuqraadiyada ee Giriiggu ay ka duwanayd dimuqraadiyadan casriga ah ee manta jirta, dimuqraadiyadii Giriiggii hore waxay dhammaan muwaadiniinta qaan-gaadhka ah ku waajibinaysay in ay si firfircoon uga qayb qaataan arrimaha dawladda marka laga reebo dumarka, carruurta iyo addoomada oo ayna muwaadiniin u aqoonsanay in ay codeeyaan oo ay wax doortaanna ayna u oggolayn, balse dimuqraadiyadan casriga ahi waxay dhammaan muwaadiniinta qaan-gaadhka ah rag iyo dumarba si siman ugu oggoshahay in ay iyagu u codeeyaan oo ay doortaan masuuliyiinta dawladda  ee matali lahaa.

 

Gunaanad

Ugu danbeyn, waxay ahayd ka bulsho soomaaliyeed ahaan in aragtidan dhawaan dhaladka innagu ah in badan laga doodo oo wax la iska weydiiyo, Waxay ahayd in waxyeelladeeda iyo waxtarkeeda midka badan la daraaseeyo. Miyaanay ahayn inaan is weydiino maxaa innooga cuntami kara? Maxaan uga baahanahay? Maxay se asal ahaanteeda tahay? Mase u baahanahay? Balse nasiib darro iyo nasiib wanaag mid ay tahayba ma dhicin in wax la iska weydiiyo oo la gorfeeyo.